Duqa Muqdisho ku dhawaaqay hadal ka farxiyay bulshada kunool degmada Dayniile

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ka dhawaajiyay in dhawaan la dhagax dhigi doono dhismaha Laamiga isku xira Isgooska Kulliyada Jaalle Siyaad iyo xarunta Degmada Dayniile.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in qorshaha dhismaha laamiga Degmada Dayniile uu soo dhamaaday dhawaana la dhagax dhigi doono, waxa uuna shaaciyay in maamulka gobolka gacan weyn ka geesan doono dhismaha laamigan si bilicda caasimada kor loogu qaado.

Waxa uu sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Banaadir sheegay in iyana socdaan qorshe lagu dhisayo laami isku xiri doona isgooska Ifka Xalane iyo Xaafada Ciise Cabdi oo katirsan Degmada Dayniile.

Duqa Muqdisho ayaa cadeeyay hadii ay dadku isku tashadaan ayna la yimaadaan dhaqaale lagu bilaabo dhismaha wadooyinka in ay heli doonaan caawinaad gudaha iyo beesha caalamka uu sheegay in ay diyaar u yihiin wax la qabashada dadka isku tashada.

Shacabka degmada Dayniile ayaa aad ugu farxay una soo dhaweeyay balan qaadka Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee ku aadan in dhawaan la dhagax dhigi doono dhismaha wado laami ah oo yeelaneyso Degmada Dayniile.

Maamulka Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu hogaamiyo Eng Yariisow ayaa mudo ka yar -2-sano ku dhisay  8-wado oo laami ah, waxaana wadooyinka hada la qorsheenayo in laami la saaro ugu horeeya laamiga dheer ee dhax mara Degmada Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -